Dhakhaatiir Ka Socoda Dowlada Turkiga Oo Hawlo Caafimaad Ka Bilaabay Gaalkacayo

0
512

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Dhakhaatiirtani oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug  ayaa maanta oo ( Jimce ) ah hawlo caafimaad ka bilaabay Cusbataalka wayn ee magaalada gaalkacyo Ku Howlgala.

Boqolaal Dadweyne  oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Gaalkacayo iyo degaanada kale ee ku xeeran ayaa soo buux dhaafiyey Cusbataalka (GGC) , kuwaas oo doonaya inay ka faa’iideystaan howlaha caafimaad ee ay Dhakhaatiirta Turkiga ahi u qabanayaan bulshada Gaalkacayo mudada ay magaaladaasi ku sugan yihiin.

Wafdigaani  Dhakhaatiirta Ah oo magaalada Gaalkacayo mudo 3-maalmood ah joogi doona ayaa maanta oo ay si hordhac howlahoodii shaqo u bilaabeen ku guuleystey qaliinka laba qof , waxaana la filayaa mudada ay magaalada Gaalkacayo ku sugan yihiin in  ay fuliyaan qaliimo kale oo kuwan dhigooda ah kuwaas oo ay si lacag la’aan ah bulshada ugu qabanayaan howlahaasi Caafimaad.

Gabal dhicii Shalay ayey ahayd markii wefdi isugu jira Dhakhaatiir iyo Weriyayaal ka socda dalka Turkigu ay kasoo degeen gaaroonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo kuwaas oo ay si aad ah garonka ugu soo dheweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dadweyne kale oo fara badan Isl;amarklaan meehs buux dhaafiyay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dhkhaatiir ka socda dalka Turkigu hawlo caafimaad ka fuliyaan degaanada Puntland , iyadoo horay ay u jireen  baaritaano iyo daaweyn ay dhakhaatiir Turki ahi ka fuliyeen Cusbataalka Manhal  magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamul Goboleedka Puntland.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com