(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Maamul Goboleedka Pumtland oo Ka Mid Ah Gobolada waqooyi Bari ee dalka Somaliya ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka ka dhanka ah saraakiisha maamulka Puntland arrinkaasi oo kalifay in ay cabsi soo wjahdo dhamaan shaqaalaha maamul goboleedka Puntland.
Arinka Iyadoo ay sidaasi tahay oo meel ay cagta dhigaan la’yihiin mas’uuliyiinta Puntland ayay Gaalkacyo iyo Boosaaso kusoo badanayaan dilalka loo geysanayo weriyaasha ka howlgala qaar katirsan warbaahinta Puntland.
Weriye horay uga shaqeynayay Warbaahinta dowlada TFG-da Soamalia balse hadda ka shaqeynayay Idaacadda Codka Nabadda ayaa maanta lagu toogtay bartamaha magaalada Boosaaso ee puntland.
Xasan Max’ed Cali Oo Lagu Magacaabo (Xasan Anteena) oo sanadkan gudihiisa ka hadlay Idaacadda Dowlada TFG-da ee Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in weriyaasha Xarakada Al-shabaab ay Ciidamada AMISOM ugu yeeraan Saliibiyiin xiligaasi ayuu yiri sidan “Waa Ayaan Darro in ciidanka AMISOM ee Nabad ilaalinta ah Saliibiyiin loogu yeero”!!.
Sidoo Kale Dhawaan ayaa sidaan oo kale Gaalkacyo loogu weeraray Gabar wararka Punland uga soo diri jirtay Idaacadda Daahir Maxamuud Gelle ee ku taal magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalka Aalaaba ka dhaca magaalooyinka uu gacanta ku hayo maamulka Faroole Ee Puntland.
W/D:Axmed Cabdi Axmed (Axmed Saacid)
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com




