Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Ee Gobolka Hiiraan Oo Gacanta Ku Dhigay Hub AMISOM Ay U Dirtay Galguduud

0
586

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Warararka ay Gobolka Hiiraan ka heleyso Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom  ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay saanado hub ah oo ay AMISOM ugu talagashay Dowlada TFG-da iyo Ciidamada Ithopia Ee Ku Sugan  Galguduud .

Ciidamo ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ee Hiiraan ayay u suuragashay in ay soo qabtaan hubkii ugu badnaa oo ay AMISOM ugu talagashay in lagula dagaalamo Al-shabaabta Ku Dhaqan Gobolka Hiiraan iyo Galguduud islamarkaana haatan ay gacanta u hayaan Xarakada mujaahidiinta al-shabaab.

Waxaa Sidoo Kale la xaqiijiyay in hubkan dhanka Muqdisho laga diray balse Ay Ilo Wareedyo ka tirsan Al-shabaab  ay dhaq dhaqaaqiisa la socdeen markaasina ay u gudbiyeen kuwa ku dhaqan gobolka hiiraan.

Sidoo Kale waxaa la sheegayaa in hubka laqabtay uu ka koobnaa 115 qori AK47,15 qori nuuca M16-ka loo yaqaan,jawaano qasnada ah,sanaadiiq rasaas ah iyo dhowr Jawaan oo Tusbaxyada lagu yaqaano Culumada Ahlu Sunna.

Hubkan ayaa lafilayaa in saacadaha soo socda warbaahinta loosoo bandhigo wuxuuna AMISOM iyo Mareykanka ay hurinayaan dagaalka ka socda Hiiraan iyo Galguduud si ay Dhamaan Xarakada al-shabaab kaga baxaan Hiiraan oo ay iminka Xarakada Mujaahidiinta al-shabaab ku suganyihin.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com