War Saxaafadeed Ka Soo Baxay Golaha Waziirada Oo Maanta Shir Ku Yeeshay Muqdisho

0
450

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Golaha Wasiirada Ayaa Maanta Waxa ay shir Ku yeesheen Gudaha magaalada Muqdisho Shirka Maanta Ay YEesheen Golaha waziirada ayaa waxaa Shir gudoominayay Dr C/weli Maxamed Cali Gaas Ra’iisul Wasaaraha Dowlada TFG-da Soomaaliya Waxaana looga hadlay arrimo oo ay ka mid yihiin Xaqa Ay Shacabka Soomaaliyeed A Ku Eddaha Dowlada TFG-da arrimaha Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Loogu Fidinayo Shacabka Ku Soo Barakacay Magaaladav Muqdisho.

Sido Kale Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Yusuf Mohamed Isma’il (Bari-Bari) Oo Ah Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Qaramada Midoobey ee oo ka warbixiyey warbixintii ay Dowladda Soomaaliya ka horjeedisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ee Geneva 3dii May 2011 ee ku aadaneyd xaaladda dhabta ah ee arrimaha Xuquuqul Insaanka ee dalka. Golaha Xuquuqul Insaanka ku ammaanay dowladda Soomaaliya,

Markaana ay golaha QM dowladda Soomaaliya u soo gudbiyeen 155 tallooyin oo uu safiirku sheegay in loo baahanyahay in Dowladda Soomaaliya ay ka baaraandegaan ka dibna ay warbixin ku wajahan tallooyinkaas iyo waxa laga qaban karo loogu soo gudbiyo Golaha Xuquuqul Insaanka ugu danbeyn 2da September. Safiirka ayaa sheegay in Golaha Xuquuqul Insaanka ay 5 jeer go’aamiyeen in Dowladda Soomaaliya laga saacidayo sidii ay hay’adaheeda u fulin lahaayeen arrimaha Xuquuqul Insaanka. Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen Safiir Yusuf Mohamed Isma’il (Bari-Bari) .

Guddiga heer wasiir ee arrimaha amniga iyo xasilinta Muqdisho ayaa laga dhageystey warbixin iyo talo soo jeedin ku wajahan sidii loo xasilin lahaa magaalada Muqdisho. Golaha Wasiirada ka dib markii ay dhageysteen warbixinta guddiga waxey isku raaceen:
in aan marnaba la aqbali karin Isbaaro, lana amray in dhammaan Isbaarooyinka magaalada laga wada qaado. Cidii Isbaaro dhigatana la horgeeyo maxkamadda ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)