(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug ayaa maanta xukun ku fulisay gacan ku dhiigle dhawaan dad ku dilay haraaraha degmada Xarardheere Ee Gobolkaasi Mudug.
Waxay Kaloo Maxkamadda ku dhaqanka shareecada Islaamka Xarakada Al-shabaab Ee Xarardheere maanta xukuntay in gacan ku dhiigley dhawaan qof ku dilay deegaanka Xeydha lasii daayo kadib markii ay diyadda qaateen dadkii Ehelka la ahaa Ninkii horey loo dilay Isla markaana meeshii Laga soo daayay Ninkii Gacan Ku Dhiiglaha ahaa Oo Ay Maxkamada Gacanta Ku Haysay.
Sheekh Farxaan Macalin Yuusuf Oo Ah Gudoomiuyaha degmada Xarardheere oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Gacan ku dhiigley 2-dii bishan qof ku dilay deegaanka Xeydha ee duleedka Xarardheere ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka Xisbada kadibna lamaxkamadeeyo.
wuxuu Kaloo Intaasi Ku Daray Sheekh Farxaan in labada Ehel ee doodu udhaxaysay ay isku afgarteen in Qoyska Uu KA Dhashay Ninkii La dilay LA Siiyo diyo dhan 100 Halaad oo Geel .
Degmooyin gobolka Mudug katirsan waxaa ka hana qaaday ku dhaqanka shareecada Islaamka arrinkaasi oo ay Shacabka Ku Dhaqan Gobolada ay Maamulaan XArakada Al-shabaab ku kala badbaadeen ISlamarkaana Oo Ay Ka KAla TAgeen Maxkamada Ayago Oo Qanacsan.
W/D:Axmed Cabdi Axmed (Axmed Saacid)
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)