(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Shirkaani ayay Yesheen MAdaxa Dowladahaasi ayaan waxaan kasoo qeyb gelin inta badan Madaxda Afrika, ayadoo hogaamiyaasha shirkaan goob jooga ka ahaa ay ahaayeen Shariif Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya,Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Equatorial Guinea. Waxaa sadexdaas Madaweyne wehliyey Meles Zenawi Raysalwasaaraha Itoobiya oo asagu Dalkiisa Ku Casumay Saddaxdaasi Madaxweyne.
Sidoo Kale Wadamada Afrika ayaan Hogaamiyaashooda ugu sar sareysa aysan shirkan kasoo qeyb gelin.
Illaa iyo hada dhaqaalaha la sheegay in Wadamada Afrika ugu deeqayaan inay wax ka qabashada saameynta abaaraha ayaa lagu sheegay $300 million oo dollar oo la sheegay in Bangiga Afrika uu ku bixin doono mashruucyo horumarineed oo laga fulinayo deegaanada ay abaaraha saameeyeen.
Wadamada Afrika ee Dhaqaalaha ugu badan balanqaaday ayaa kala ah:Aljeeriya – $10million Angola – $5million Masar – $5million
Wadamada Kale Ee ugu dhaqaalaha badan ayaan bixin intii laga filayey wallow ay jiraan wadamo yar yar oo dhaqaalihii laga filayey in ka badan bixiyey sida wadamada Gambia, Mauritania iyo Congo-Brazzaville Oo Ay Amaan ku Muteesteen.
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)