Shirkada SkA Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqotay Diyaaradaha Gargaarka U Wada Shacabka Soomaaliyeed

0
588

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Shirkada SKA oo gacanta ku hayso Garoonka Aadan Cade ee magaalada muqdisho ayaa cadaadis toos ah iyo mid dadban ku bilowday diyaaradaha kaalmada Bini’aadanimo u sida shacabka ladaalaa dhacay dhibaatoyinka ay ka mid yihin Aabaaraha iyo waliba Dagaalada

Warar cad oo ay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom ka heleyso Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in shirkada SKA ay lacago faro badan duldhigtay diyaaradaha gargaarka u wada shacbka soomaaliyeed isla markaana lacagahaasi ay xamiliwaayeen masuuliyiinta diyaaradahap

SKA ayaa waxa ay ula dhaqmeysaa shacabka si cadotimo ah shacabka soomaaliyeed maadaama ay ka cuno qabateyneyso deeqaha loo soo dhiibo

Hadaba Su’aashu waxay tahay SKA ma dalka ayey leedahay Awooda ay ku Hagardaameeyneyso shacabka soomaaliyeed xagee bey kala timid Mala Dhihi Karaa Dowlada ayay Ka Goys Qabtaa?

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)