Dowlada TFG-da Oo Aan Wali Si Rasmi Ah Ula Wareegin Gacan Ku Heynta Magalada Muqdisho

0
457

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
  
Tan iyo marki ay xarakada Al-shabaab ku dhawaqeen in ay faarujiyeen guud ahaan magaalada muqdisho islamarkaana dowlada TFG_da ay isu fidiyeen goobo dhowr oo muhiin ah ayaa hadana waxaa soo ifbaxaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa TFG-da ay ku dhiiranwaayaan tagida qeybo ka mid ah muqdisho

Goobaha Muhiimka ah oo ay dowlada ka baqeen aadideeda ayaa waxaa ka mid ah Xeela bariise,Warshada Baastada,Warshada Barfuunka,isgoyska Ex_control Balcad,iyo waliba guud ahaan degmada Hiliwaa sida Saldhiga iyo Suuqa xoolaha

Sidoo kale Xerada maslaxa oo xudun muhiim u aheed Xarakada Al_shabaab marka loo eego fulinta xukunada tababarka Ciidamada Keydka Saanadaha Militeriga iyo Controlka wax waliba oo muqdiso kaga imaanaya dhanka gobolada dariska la ah muqdisho sida Sh/dhexe ayaa wali waxaa gacanta ku haya Ciidamo yar oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab

AMISOM iyo Dowlada oo lamaana ah ayaa iminka waxa ay ku suganyihiin inta u dhaxeyso Hotelada Ramadaan iyo Kaah ee degmada yaaqshid mana jira saasaan muujineyso in ay horay u dhaqaaqaan xilli Ciidamada Xarakada Al_shabaab aysan xaadir ku aheyn goobaha aan soo sheegnay

Dhawaan Kala Soco Warsom Goobaha Kale Oo Ay Dowlada La Wareegeen Kuwa Faaruqtaagaya Oo Ay Dowlada Ka Yara Baqanayaan Iyo Waliba Deegaanada Ay Ku Sugan Yihiin Tiro Yar Oo Ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)