RW.Gaas Oo Booqday Xeryaha Barakacayaasha & Xarumaha Dawladda Puntland

0
577

 

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Mudane Cabdisamad

Raysalwasaaraha Dawladda TFG-sa ee Soomaaliya iyo Jeneraal Cabdisamad Cali Shire Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa maanta booqday Qaar kamid ah Xarrumaha Dawladda Puntland iyo Kaamamka ay ku dhaqanyihiin Barakacayaasha ee magaalada Garoowe Oo Uu Maanta Qudbada Fara Badan Ka JEediyeen .iyo Dr Gaas ayaa booqashadooda waxaa ku weheliyey xubno kamid ah Xukuumadda Maamul Goboleedka Puntland iyo Wasiiradda la socda Raysalwasaaraha Dowlada TFG-da

Goobihii ay Maanta booqashada ku Kala Mareen Ra’iisul Wazaaraha Dowlada TFG-da (Gaas) Iyo Waliba Madaxda Garawe Ee Maamul Goboleedaka Puntlan ayaa Waxaa Ka Mid Ah: intii uu booqashada ku jiray Waxa Uu la hadlay dadka,wuxuuna sheegay in wixii xiligaan ka danbeeya ay si fiican u wada shaqayn doonaan Dawladda TFG-da ah iyo Dawladda Puntland,waxaana Xirriirkoodu uu noqon doonaa mid aad u sareeya Islamarkaana Ay Wada Shaqeyndoonaan.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland,

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ,Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland.,Wasaaradda Qorsheynta iyo Xirriirka Caalamiga ah ee Puntland.,Jaamacadda Bariga Afrika laanteeda Garoowe.,Jaamacadda PSU Garoowe.,sbitaalka weyn ee Garoowe.,Kaamamka Barakacayaasha Garoowe.

C/weli Maxamed Cali (Gaas)

Ra’iisul Wazaare Gaas ayaa sidoo kale sheegay Goortii uu booqanaayey Kaamamka Barakacayaasha Magaalada Garoowe in Koonfurta Soomaaliya dadka abaartu ku heshay ay gaareen meel walba oo kamid ah dalka hada ka dibna ay deeqaha la keeno lasoo gaarsiin doono dadka ku dhaqan Kaamamka Puntland kuyaala,beesha Caalamkana ay qeylo dhaan u dirayaan si dadkaan ay u soo gaarsiiyaan iyaga na deeqaha Loo Soo Dhiibayo Guud Ahaan Umada Soomaaliyeed.

Jeneraal Cabdisamad Cali Shire

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo isagana ka hadlay xarunta Jaamacadda PSU ayaa sheegay in booqashadaan loogu talagalay in Madaxda ka socota Dawladda TFG-da ah arkaan wax ay ku sugantahay Dawladda Puntland iyo Shacabkeedu dib u dhac nooc kasta oo ay ahaato ayna leeyihiin ku soo dhawaada deegaankiinii Garawe Oo Aynu ku soo dhaweyneyno Madax Waliba Oo Ka Socda Dowlada Soomaalya.