Saif Al-Islam”Waan Ka Saareynaa Mucaaradka Dalka Libiya

0
1135

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Dagaal Saacado Socday Ayaa Waxa uu ka socday magaalada Tripoli ee dalka Libya, Colonel Qadaafi iyo wiilkiisa ayaa ku adkeystay in ay weli ku Qanacsan yihiin inay ka guuleeysanayaan mucaaradka Ka Dagaalamay Dalka Libiya.

Colonel Qadaafiw  Ayaa Waxa uu sheegay in taageerayaashiisa Tripoli ay cagta mariyeen wax uu ugu yeeray jiir magaalada soo galay Islamarkaana Uu Sheegay In Ay KA Adkaanaya iminkana Ay Talaabo Talaabo Ka saarayaan Magaalada Tripoli ee Caasimada dalka Libya,  .

Saif Al-Islam Oo Ah Wiilka  Qadaafi ayaa meesha ka saaray inay is dhiibayaa isaga oo sheegay in go’aanka aanu lahayn Qoyskiisa, balse uu u yaallo dadka Libya Islamarkaana Ay Ku Dhaqmayaan Waxa Ay Ku Qanacsanyihii Shacabka Liibiya.

Mid KA Mid Ah Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa la hadlay mucaaradkooda ku sugan Tripoli inay kacaan oo ay la shaqeeyaan mucaaradka ka soo dhawaanaya dhinacyada bariga, galbeedka iyo koonfurta  magaalada Tripoli Ee dalka Libya,  .

 . (Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)