Hub iyo Saanad Saarneyd Diyaarad Mareykanku Leeyahay kuna Dhacday Dalka Jabuuti oo Mareykanku Hubkii Qarxiyey.

0
7

Safaaradda Maraykanka ee Jabuuti ayaa maanta sheegtay in ciidamada milatariga Maraykanku ay qarax xakameysan ka fulinayaan agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Chabelley, si ammaan ahna loogu burburiyo saanad milatari.

Hawlgalkan ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay burburinta hub iyo saanad milatari oo laga helay mid ka mid ah diyaaradaha milateriga Maraykanka ee dhowaan ku burburtay agagaarka Chabelley. Hubka iyo waxyaabaha kale ee qarxa ayaa si taxaddar leh loo qarxiyay si looga hortago khatar ka dhalan karta goobta.

Safaaradda Maraykanka ayaa sheegtay in dadka ku nool deegaannada ku dhow Garoonka Chabelley ay maqli karaan hal ama dhowr qarax oo xooggan inta uu hawlgalku socdo. Qaraxa xakameysan ayaa la qorsheeyay inuu dhaco abaare 4:30 galabnimo, waxaana hawlgalkan lala kaashaday hay’adaha ay khusayso ee dowladda Jabuuti.

Dhacdadan ayaa timid kaddib markii safaaradda Maraykanku daraad shacabka ku wargelisay in mid ka mid ah diyaaradaha milateriga Maraykanka ee ku sugan agagaarka Chabelley ay cilad soo wajahday. Safaaraddu xilligaas waxay sheegtay in diyaaradda ay la kulantay xaalad farsamo, iyadoo aanay markiiba bixin faahfaahin dheeraad ah.

Hase yeeshee, markii dambe waxaa la xaqiijiyay in diyaaraddaasi ay burburtay. Shilkan ayaa sababay in goobta laga sameeyo hawlgallo amni iyo qiimayn lagu sameeyo wixii ku jiray diyaaradda, gaar ahaan saanadda iyo hubka saarnaa.

Safaaradda Maraykanka ayaa shacabka ugu baaqday inay raacaan tilmaamaha ay bixiyaan mas’uuliyiinta deegaanka inta uu hawlgalku socdo. Waxay sidoo kale sheegtay in su’aalaha warbaahinta loo gudbin karo Xafiiska Arrimaha Dadweynaha ee Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).