(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Habeenkii Xalay Ahaa Ayaa Burcad badeed Soomaali ah Qafaal U Geesatay Markab waday Shidaal kaasi oo taagnaa meel 3km u jirta dekkada magaalada Salalah ee Xarunta dalkaasi Cumaan
Waxaa Lagu Magacaabaa Markabkan Fairchem Bogey Isl Markaana laga leeyahay dalka Hindiya wuxuuna markaasi qaadayey Gaas intuu uu taagnaa banaanka dekkada Salalah ayey Markabka dushiisa koreen burcad badeed Soomaali ah kuwaasi oo Markabkan ulla soo dhaqaaqay Habeenkii xalay dhanka Wadanka Soomaaliya Soomaaliya Oo LoogaBartay Barkabkii La So Qafaashoba in Lala Soo Aado Dalkaasii
Qafaalkaani Ay U Geestaan Markabka Laga leeyahay Dalka Hindiya ayaa kamid ah Kii ugu Dheeraa oo ay fuliyaa burcad badeeda Soomaalida ah,
Arinkaani Ayaa cabsi weyn ku abuurtay shirkadaha Maraakiibta iyo maamulada Cumaan oo la yaab ku noqotay goobta Markabkan laga faduubtay Islamarkaana Ay Fajac Galisay
Waxaa Laga Baqanayaa in xiliyada Aan xagaaga Aheen ay dib u bilaabaan hawlaha Qafaalashada Maraakiibta Ay BurcadBadeeda Ka Bilowaan Xeebaha Dalalka Caalamka
Dad Farabadan Ayaa waxa AyIsweydinayaa In awooda burcad badeeda Soomaalida ay gaarsiisan tahay xeebaha ka fog dalka Soomaaliya, ayadoo horey shirkadaha ganacsiga ay dekkada Salalah u isticmaali jireen goobta Maraakiibtooda ay kasoo saartaan Illaalada hubeysan, afduubka xalay ayaa cabsi horleh ku Abuuray shirkadaha Maraakiibta iyo dowlada horay Looga Afduubtay MAraakiibta ISlamarkaana Ka Bixiyay Madaxfurasho Lacageed Oo Aad U Farabadan .
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)




