(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Dagaallo culus ayaa Caawa Laga Maqlayay magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM Oo Kaashanaya Dowlada TFG-da Soomaaliya
Iskahor Imaadyada ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Shabaabul mujaahidiin weeraro ku asqeeyeen fariisimo ay AMISOM kaga sugnaayeen wadada Warshadaha Islamarkaana ay Isweedaarsadeen Madaafiicyo Aad U Xoogan Oo Ay Labada Dhinac Isku Ridayee.
Ilo Wareedyo Lagu Kalsoonyahay ayaa u Xaqiijisay Wakaalada wararka soomaaliyeed Ee Warsom in Xarakada Shabaabul mujaahidiin ay xoog ku galeen difaacyo ay ciidanka AMISOM ka Kaga Suganyahiin WArshada Taraqa iyo Sigaarka oo dhamaantood ku teedsan wadada Warshadaha Ee Magaalada Muqdisho.
Daryinka rasaasta iyo madaafiic xoogan Ay Isweedaarsaneyeen Xarakada Al-shabaab Iyo waliba Kuwa AMISOM ayaa galabta ilaa iyo caawa Maqribkii laga maqlayay aagaga dgaalka ee magaalada Muqdisho,
Sidoo Kale wararka ayaa Intaasi Ku Daraya in weeraro lagu qaaday Saldhigyada ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Isla markaana ay Qasaaro Frabadan Ka Soo Gaareen Ciidamada AMISOM Sida Ay Noo XAqiijiyeen Dad KA Agdhawaa Meesha ay Weererka LA Galeen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Weeraradaan ayaa qeyb ka ah Jadwalka dagaal oo ay Xarakada Shabaabul mujaahidii dejiyeen waxayna caqabad ku La Filayaa in ay Weeraro Kula BEegsan doonaan Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada TFG-da
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)




