Ra’iisul Wazaare Gaas Oo Xafiiskiisa Ku Soo Dhaweyey Wufuud Ka Kala Socota Caalamka

0
576

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub iyo wafdi kale oo ka socday
Bisha Cas ee dalka Iran.

C/Wali Max’ed Cali (Gaas) Oo kulan la Qaatay Wafdigii uu hoggaaminayey George Mark Andre oo ah Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxey uga wada hadleen labada mas’uul iyo wafdigii la socdayba sidii loo xoojin lahaa xiriirka Midowga Yurub iyo Somalia. Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey booqashada wafdigan ay ku
yimaadeen xafiiskiisa Muqdisho, waxuuna warbixin ka siiyey xaaladda dalka, gaar ahaan guulihii dhanka amniga oo Al-Shabaab looga saaray dalka iyo arrimaha gargaarka
bani’aadanimo. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in arrimaha macluusha ay yihiin kuwo aad u daran una baahan in Midowga Yurub ay kaalin mug leh ka qaataan
gurmadka abaaraha. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu ka codsaday Midowga Yurub inay Dowladda ka saacidaan qorsha xasilinta Muqdisho iyo sidii dalka oo dhan
loogu soo celin lahaa amni iyo kala danbeyn buuxda.

George Mark Andre ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa qaaliga ah,isla markaana ku ammaanay guulaha amniga ee caasimadda, una xaqiijiyey in Midowga
Yurub ay diyaar u yihiin inay saacidaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Waxuuna sheegay in Midowga Yurub ay kordhiyeen miisaniyaddii ay ugu talo galeen Somalia oo markii hore aheyd 250 million euro oo hadda laga dhigay 390 million euro.
Waxuuna sheegay inay ugu talo galeen gar-gaarka bani’aadanimo lacag gaareysa 80million oo dollar.

Dhanka Kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dalkaTurkiga oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Iskaashiga Caalamiga iyo horumarinta
ee dalka Turkiga Mr Serdar CAM. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhoweeyey wafidga Turkiga una sheegay in Turki ay tahay dal xiriir qoto dheer la leh Somalia. Wafidga
Turkiga ayaa sheegay inay u yimaadeen Muqdisho si ay u saacidaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay soo wadaan mucaawanooyin hor leh.

Dhamaadka Kulanadaasi Ayaa Waxa Uu  Ra’iisul Wasaaraha xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Bisha Cas ee dalka Iran oo u yimid Muqdisho inay saacidaan barakacayaasha,
waxeyna sheegeen inay diyaarado iyo maraakiib mucaawano ah ay keeni doonaan dhowaan dalka. Wafdigan waxaa la socday mas’uuliyiin ka socotay Bisha Cas ee
Somalia. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Iran dadaaladooda ku wajahan gar-gaarka bani’aadanimo kana codsaday inay shacabka barakacayaasha gar-gaaraan
oo ay gar-gaarka gaarsiiyaan dhammaan gobolada shacabku ku tabaaleysanyahay.

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)