Ra’iisul Wazaare C/Wali”Shabaab Awood Ayaan Kaga Saarnay Muqdisho

0
1395

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Raisal-wasaaraha Dowlada  TFG-da, Dr. C/weli Max’ed Cali (Gaas) Oo Ka Warbixiyay   tan iyo markii Al-shabaab ay ka baxday Muqdisho.

C/weli Max’ed Cali Raisal-wasaaraha Somalia wuxu sheegay in Al-shabaab aysan baryo uga bixin magaalada Muqdisho balse ciidamadaTFG-da ay awood militariga Muqdisho uga saareen. C/weli wuxuu dhinaca kale sheegay in Dowlada TFG-da ay diyaar u tahay nabad soona dhaweynaso cid-kasta, gaar ahaan dhalinyarada UdagaalamiJirtay Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay in dowladdu ay cafis u fidisay. C/weli wuxuu dhalinyaradan ku tilmaamay “Soomaali la khalday” wuxuuse sheegay haddii ay hubka dhigaan in dowladdu ay dhaqancelin iyo shaqo abuuris u samaynayso.

Dhanka Kale  Mar uu ka hadlayay abaaraha Somalia, C/weli Max’ed Cali wuxuu sheegay in baaxadda abaaruhu ay kabadan yihiin kaalmada la helayo isagoo xusay in howlaha gar-gaarku ay si fiican ku socdaan oo Soomaaliya-na loo soo gurmaday, wuxuuse hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisu ay ku dadaalayso in mucaawinooyinku gaaraan dadkii loogu talagalay.

Raisal-wasaare Gaas, wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay diyaarisay qorshe lagu xasillinayo Muqdisho, iyadoo xukuumaddu samaysay ciidan gaar ah oo la dagaallama burcad iyo qof kasta oo xasilloonni darro ka abuuraya magaalada.

Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)