Qarax Qasaaro Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Geestay Oo KA Dhacay Degmada Kaaraan

0
361

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Caruur Aad U yar yar Ayaa waxaa ay Bambo Gacmeed gaysatay qasaaro dhimasho iyo dhaawac kula Qaraxday xaafad ka mid ah degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdi

Qasaarahaan isugu jirta dhimashada iyo dhaawaca ayaa Waxa ay ka dhalatay Bam Gacmeed lagu arkay  xaafad ka mid ah degmada Kaaraan ee magaalada muqdisho halkaasi oo aheyd goobihii ay sida aadka ah ugu dagaallameen Ciidamada dowladda TFG-da Soomaaliya, Oo Kaashanaya Kuwa AMISOM iyo Xarakada Shabaab Al-Mujahidiinta.

Banbadaani Ku Qaraxday Caruurtaani Ayaa Lagu Soo waramayaa in ay ku cayaarayeen Iskamrkaana Ay la Qaraxday, waxaana halkaasi ku geeriyooday 1-Qof Iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 Ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Haween ay ku dhaawacmeen Miinadaasi oo la sheegay inay aheyd mid aad u xooggan Islamrkaana Si Xowli Ah Loogu Maqlay Xaafadaha Ay KA kobantahay Degmadaasi Kaaraan.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)