(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee magaalada Garowe ee Puntland, ayaa 4 qof ku xukuntay Min toban sano oo xarig ah, iyadoo sheegtay in lagu helay dambi ah in ammaan xumo ay abuurayeen isla markaana ay si sharci darro ah ku soo galeen dhulka Puntland.
Afartaani qofood ayaa ka mid ahaa kolonyo wafdi Somaliland oo ku sii jeeday degmada Taleex oo Puntland iyo Somaliland uu mid walba gooni u sheegto In Ay Ka Kala Socdaan goboladaasi Islamarkaana ay Gacanta Ku Soo Dhigeen Ciidamada Amaanka Ee Garowe.
Waxaa kaloo min shan sano oo xarig ah lagu xukumay 4 askari oo LA Sheegay In Ay Si Xun Ula Dhaqmeen Dadkaasi Loo Diray In Ay Gacanta Ku Soo Dhigaan Iyaga Oo Aan Wax Caqabad Ah Ama Wax Dambi Ah Ka Galin
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)