Dibadbax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Stadium Koonis Ee Magaalada Muqdisho

0
467

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Banaanbix loogu magac daray maalinta guusha Muqdisho Oo loo aqoonsaday Lixda bisha Agoust oo ah maalintii magaalada Muqdisho inteeda badan Ay KA Bexeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Oo Inta Badana maamulkeeda Hayay Gudaha Magaalada Muqdisho

Banaanbaxaani oo KA Dhacay Garoonka Stadio koonis Ayaa Waxaa KA Soo Qeeb Galay Masuuliyiin dhalinyaro,xildhibaano,haween,gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo mas,uuliyiin kasocotay Dowladda TFG-da Oo uu kamid yahay C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlada TFG-da iyo C/weli Maxamed Cali Gaas Ra’isulwasaaraha Dowlada Soomaaliya

Banaanbaxaani Ayaa waxaa Soo Qaban Qaabiayay Ururada Bulshada rayidka sida ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Iyo Waliba Ururo Kale Oo AL Sheegay In Ay Kaalin Wax Tar Leh Ka Geesteen Banaanbaxaani amaanta ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdiho

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo Qudbad Dheer KA jeediayay BAnaanbaxa Ayaa waxa Uu Sheegay In Loo baahanyahay In Shacabka magaalada Muqdisho ay uga faa’ideystaan Isbedelkaasi oo ay u istaagaan horumarka ay gaareen in Ay Xooga Saaraan

Sidoo Kale Banaanbaxan Waxaa Qudbada KA jeediayay C/weli Maxamed Cali Gaas Ra’isulwasaaraha Xukuumadda TFG-da Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay guusha laga gaaray magaalada Muqdisho iyo in uu maanta kasoo qeybgallo Banaanbax si Nabad ah u dhaca oo lagu qabto garoonka Koonis Stadium Oo Ay Dhwaan Faarujiyeen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)