Max’ed Qanyare Oo Ka Jawaabay Hadalkii Madaxweyne Shariif

0
587

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Maxamed Qanyare Afrax Oo Ka Tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada TFG-da Soomaaliya ayaa sheegay Inay Jiraan Hogaamiye Koxeedyo Balse uusan kaligiis hogaamiye kooxeed ahayn  dhamaan Madaxweynayaashii soo maray Dowlada TFG-da ay wada ahaayeen hogaamiye kooxeed ama dagaal Oogeyaal

Qanyare Oo La Hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in Isagu Hubka laga dhigay bishii June ee 2006, asagoo sheegay in uu weli damac uga jiro inuu Madaxweyne ka noqdo dalka Soomaaliya. Xili dowlada TFG-da ay baaqyo kasoo saareyso in Muqdisho aan dib looga abuurin maleeshiyo beeleedkii kadib bixitaankii Al Shabaab.

xili magaalada Muqdisho qeybo kamid ah Madaxweynaha Dowlada TFG-da Somalia Shiikh Shariif  Uu kusoo rogay xaalad deg deg ah ayadoo laga cabsi qabo maleeshiyo beeleed inay dib uga bilowdaan Muqdisho Ayaa Max’ed Qanyare Waxa uu yiri

 Aniga nin La Garanayo Oo ah Siyaasi baan ahay, Hub damac kama qabo, waxaan Rabayna hub waan ku gaari waayey oo waan ka leexday…guri baan degenahay waxaa Leeyahay 12 Qori AK47 ah, labada Irid ee gurigeyga ayaa lagu illaalshaa, lafaheyga ayaan u cabsanaa ee ciidan ma rabo….waa cabsanaa fuley baan ahay ee ciidan dan kama rabo….” Ayuu yiri Maxamed Qanyare

 Sidoo Kale Qanyare  ayaa ka dooday Erayga ahaa (Hogaamiye Kooxeed) ee uu maalmihii lasoo dhaafay ka maqlayey idaacadaha iyo dowlada TFG-da, asagoo sheegay cidii hogaamiye kooxeed ah in farta lagu fiiqo.

Shiikh Shariif Axmed Wuxuu ahaa hogaamiye kooxeed, Cabdullahi Yusuf oo ahaa Madaxweynihii ka horeeyeynaIsna Wuxuu ahaa Hogaamiye kooxeed Ayuu Yiri  Maxamed Qanyare Isagoo sheegay in erayga hogaamiye kooxeed ay wada sitaan dhamaan intii damac ka galay Hubka inay awood ku raadiyaan, ayuu yiri Qanyare oo diiday in farta lagu fiiqo hogaamiye kooxeedkii burburiyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo asagu kamid ahaa.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)