Dowlada TFG-da Oo U Digtay Maleeshiyo Beeleedyada

0
239

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Dowladda TFG-da  ah ee Somaliya ayaa sheegtay in ay xaalad Deg Deg Ah ku soo Rogtay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobihii ay dhawaan baneeyeen Xarakada Al-Alshabab.

Shariif Sheekh Axmed Oo Ah Madaxweynaha Dowlada TFG-da Soomaaliya Oo Wareegto ka soo baxday xafiiska Ayaa Lagu sheegay in muddo Sadex bilood ah la geliyay Xaalad Deg deg ah goobaha ay Xarakada Al-Shabab ka baneeysay Magaalada Muqdisho iyo xeryaha dadka ka soo bara kacay abaaraha

Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) Oo Ah Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Ayaa Ugu Warbixiyay Saxaafada Wareegtadaasi KA soo Baxday madaxweynaha dalka soomaaliaIsagooba sheegay in Ay Arinkaasi U Xilsaaranyahay Gudoomiyaha Maxkada Mungaab

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)