Madaxweyne Shariif ” Shabaabku Waa ay Jabeen Shacabkuna Waxaan Uga Digayaa In Aysan Ku Deg Degin Goobihii ay Faarujiyeen Al Shabaab”

0
536

Wararka Somaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Madaxweynaha Dowladda TFG-da Shariif Shiikh Axmed Ayaa Sheegay In ay Jabeen Xarakada Al Shabaab Isla Markaan ay Isaga Baxeen nGuud Ahaan Magaalada Muqdisho

Shariif Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Ka Dib Markii Uu Ka War Helay In ay Al Shabaab Farujiyeen Qaybo Fara Badanm Oo Ka Tirsan Muqdisho Ayaa Xusay In ay Ku Guuleysteen Wax ay Muddo Badan Rajeynayeen

Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa Shaaciyey In ay Al Shabaab Jabeen Oo Waqtigoodii Uu Dhammaaday Balse Waxa Uu Shacabka Muqdisho Uga Digay In aysan Ku Deg Degin Aadida Goobaha ay Faarujiyeen Xarakada Al Shabaab

” Al Shabaab Waa Ay Jabeen Waad Aragtaan Shacabkuna Waxaan Uga Digayaa InnAysan Ku DEg Degin Goobihii ay Al Shabaab KIa Baxeen Waayo Waxaa JIro Kara Miinooyin La Aasay Iyo Falal Is Qarxin ah oo ay Ku Kici Karaan Al Shabaab Ayuu Yiri Shariif Shiikh Axmed ”

Hadalka Madaxweyne Shariif Ayaa Imaanaya Xili Muqdisho ay U Gacan Gashay Dowladda Soomaaliya Isla Markaana ay Dowladda Ku Jahwareersan Tahay Waxa Kalifay In ay Al Shabaab Ka Baxaan Muqdisho

Wararka Somaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom)