Dowlada TFG-da Oo Xaqiijisay Guud Ahaan Gacan ku Heynta Magaalada Muqdisho

0
518

Wararka Somaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom)Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Waxa ay la wareegatay Guud Ahaan magaalada Muqdisho Kadib Markii ay Faarujiyeen Xarakada shabaab Oo Inta badan Gacanta Ku Hayay Qeybo Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

Degmooyinka ay maanta Faarujiyeen Xarakada Shabab ayaa waxaa ka Mid ah Degmooinka Hodoan Howlwadaag Yaaqshiid Shibis C/caziz Kaaraan Iyo waliba Qeybo Farabadan Oo Ay Gacanta Ku Hayeen Xarakada Shabaab Oo Ka Tirsan Gobolka Banaadir

Goobaha ay Faarujiyeen Xarakada Shabaab ayaa waxa La Wareegeen Gacan ku Hayteeda Ciidamo Ka Tirsan Dowlada TGF-da Soomaaliya Oo Kaashanaya Ciidamada AMSOM Islamarkaan ay Fariisimo ka Sameysanayeen

Degmooyinkaasi Ay Faarujiyeen Xarakada shabaab ayaa waxa lagu Arkayay Boqolaal Shacab ah Oo Doonaya In ay Soo Eeg Eegaan Goobaha ay Firaaqeeyeen Xarakada Shabaab Balse Meelo Qaar ah Ayaa waxa ay Ciidamada Dowloada TGF-da Ka Soo Celinayeen Shacabka Doonaya In ay Gudaha U Galaan

Gacan Ku Haynta Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Imaaneysaa Xilli ay Wax Dagaal ah Ka Dhicin Ka Dib Ka Bixidii Xarakada Shabaab Goobaha ay Iminka La Wareegeen Dowlada TFG-da Soomaaliya Balse Habeenkii Xalay Ahaa Ayaa waxa Laga Maqlayay Goobo Dhowr ah Oo Ay Joogeen Xarakada Shabaab Rasaas Iyo Madaafiic Oo Ay Isweedaarsanayeen Labada Kooxood Ee Halkaasi Ku Hardamayay.

Wararka Somaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom)