Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degay sanadguuradii 13-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay oo ku began 6-da Agosto, iyadoo xaflad arintaas ku saabsan lagu qabtay xarunta xisbigaas ee magaalada Muqdisho
Munaasabadan maanta lagu maamusayey xuska maalinta xisbiga ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga MJS Cali Maxamed Nuux (Timajilic) madax kale, abwaano, fanaaniin Suxufiyiin haween iyo qeybaha bulshada
Waxaa ka hadlay munasabadaas Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux oo ugu horreyn hambalyo iyo bogaadin uu u diray Qoysaska iyo xubnaha xisbiga meel kasta oo ay joogaan , isagoo ilaah uga baryey in sanadkaan, kiisa kale ay ku garaan bash bash baraare, waxaa kale oo uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyedeeyey dhibaatada soo gaartay muddooyinkaan dambe ee ka dhashay abaaraha iyo barakaca.
Waxaa uu sheegay in mudadii uu jiray xisbigan uusan ka qayb qaadanin mashaqadii dalka ka dhacday, isagoo dhaliilay doorka beesha caalamka ee Somalia “Anagu uma aragno in aduunyada ay ka shaqeyneyso danaha dadka soomaaliyeed” ayuu yiri Timajilic oo ka hadlayey munaasabadaasi.
Timajilic ayaa cambaareeyey mashaqadii shalay ciidamada dowlada ay ka geysteen xerada badbaado ee magaalada Muqdisho taasoo ay ku laayeen ayuu yiri dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo sugayey in loo fidiyo gargaar kana soo cararay abaaraha, wuxuuna dowlada Somalia ugu baaqay iney ilaaliso amaanka dadka barakacayaasha ah ee ku jira xerada Badbaado iyo meelaha kale ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan ku baaqeynaa in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay is kaalmeeyaan intii ay sugi lahaayeen kaalmo dibadeed, inta wax heysata ama xoogaa roon waxa ilaahay siiyey wax ha ka siiyaan walaalahood ka soo qaxay abaaraha ka jira dalka xiligan oo weliba lagu jiro bisha Ramadaan fadli badana laga helayo, isagoo ALLE ka baryey in umada Soomaaliyed ALLE uu ka dulqaadi dhibaatada heysata.
Goobta ay ka dhaceysay munaasabada ayaa waxaa gidaaradeeda lagu xardhay boorar ay ku qornayeen halku dhigyo nabada lagu taageerayo sida, qab iyo qabiil isku raaci weynaye aan Quraanka qaadano, Yaa mudan hogaanka dalka ? Waxaan inagu isu diidnay cid kale u ogolaan meyno, maxkamada aduunka ugu sareyso waa damiirka iyo qalbiga qofka nadiifka ah, Somalidu iyada ayaa isu baahan ee shisheeye uma baahna, guuleyso adoon daadin dhiig walaalkaa, yaa diidan ku dhaqanka shareecada islaamka? Iyo kuwo kale.
Xisbiga MJS ayaa waxaa la aasaasay 6-dii August 1998 dii, xilligaas oo taageerayaasha xisbigaas ay madaxweyne u doorteen Md C/Nuur Axmed Darmaan oo ah gudoomiyaha xisbigaas haatana safar shaqo ugu maqan dalal ka tirsan caalamka, hadafka iyo ujeedada xisbiga waa in talada la qabto iyadoo aan la adeegsan xoog iyo xabad, laguna kala baxayo doorashooyin Dimoqraadi ah iyo nidaamka xisbiyada badan.
Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)





