Madaxweyne Shariif Oo gaaray Magaalada Garoowe

0
257

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Shiikh Shariif Sheikh Axmed

Shariif Sh.Axmed ayaa socdaalkiisa waxaa ku weheliya xubno kamid ah Dawladiisa,waxaana uu ka dagay ka garoonka diyaaradaha ee Garoowe Isaga Iyo Wufuudii Uu Hogaaminayay.

Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole

Soo DHaweynta Madaweyne Shariif Ayaa La Sheegayaa In aan loo kala harin wefdiga dadku ay qabaan dhar bilicsan calanka Soomaaliyeed iyo kan u gaarka ah Puntland la wada ruxaayo dadkuna ay hadda dhooban yihiin jidadka dhinacyadiisa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socod ku maray magaalada dhexdeeda waxaana uu socodkiisa ka soo bilaabey halka loo yaqaaney Enji isaga oo ku tegay Barxadda Garowe, waxaana uu salaamayey shacabka soo dhaweynaayey Islamrakaan meeshii Uu Laga Sii Ambabixiyay.

Dr.Cabdiweli Cali Gaas

Madaxweynaha Safarkiisa ayaa la Sheegayaa in uu yahay mid lagu hagaajinaayo laguna turxaan bixinaayo khilaaf horey u dhexmaray Puntland iyo Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, waxaa lagu wadaa in wadahadalka ka dib la soo saaro warmurtiyeed labada dhinac U Dhaxeeya.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa marar badan soo saarey wareegtooyin wada shaqeynta u dhexaysey Dawladda Dhexe iyo Puntland lagu hakinaayo, taas oo gaartey heer laga mamnuuco masuul sheeganaya Dawladda TFG-da in uu soo gaaro Puntland mar sii horeysey, waxaana aad loo saadaalinayaa in booqashada Madaxweynuhu ay salka ku hayso Sidii Ay U Qancinlahaayeen Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole Oo Horay Ugu Careesnaa.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa horey ugu sugnaa magaalada Garowe kaas oo u sii gogol xaarayey wefdiga Madaxweynaha Xaqiijinayayna Amaanka Magaalada Garowe Sida Ay TAhay .Madaxweynaha Puntland iyo xubno kamid ah Xukuumadiisa ayaa kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed,waxaana si weyn loo adkeeyey amniga magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.Madaxweynaha Dawladda TFG-da ee Soomaaliya ayaa Maanta Ka Degtay magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.