Ciidamo Hubeysan Oo Dhoobley kasoo goostay Una Goostay Xarakada Al-shabaab.

0
260
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

 

Ciidamo hor leh ayaa kasoo baxsaday deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamo taabacsan Dowlada Kenya iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Taabto ee duleedka Dhoobley ayaa xaqiijinaya in saaka aroortii ay halkaasi iska dhiibeen laba Askar oo Ka Tirsan Kuwa Axmed Madoobe kasoo goostay kuwaasi oo hub culus ku hubeysnaa Islamarkaana Ku wareejiyay Xarakada Al-shabaab Wixii Ay Sideen.

Goobjoogayaa Ku Sugan Dhoobley ayaa Sheegaya In Ciidamada Baxsadka Ah ay ku hubeysnaayeen Qori PKM ah rasaastiisa oo badan, dhowr Gantaal oo Hoobiyaal ah,qori Hoobiye ah,AK47 iyo sanaadiiq rasaas ah Oo Ay KAla Soo Tageen Axmed Madoowe.

Raggan isisoo dhiibay waxay Xarakada Shabaab u sheegeen in ay Riddo ku dheceen sidaasi darteedna ay alle uga Towbad keeneen la shaqeynta dowladaha IGAD gaar ahaan Kenya Hada ay La Shaqeendoonaan Ciidamada Xarakada al-shabaab.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)