(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Saakay ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade Ee Magaalada Muqdisho Ka Soo Dagaam Cali Akbar Saalixi Oo Ah Waziirka Arimaha Dibada Ee Dowlada Iiran Iyo wafdi uu hoggaaminayo kuwaasi Oo Ay Garoonka kusoo dhaweeyeen Mas’uul ka tirsan dowladda TFG-da
Cali Akbar Saalixi Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Iran Ayaa Saakay isaga iyo Wafuud Kale kasoo Dagay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho halkaasi Oo Ay Kusoo dhaweeyeen C/samad Macalin Max’ud Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee Dowlada TFG-da iyo Madax Kale Oo Ka Tirsan Dowlada TFG-da Somalia
Wasiirka arimaha dibadda Ee Dowlada Iiran ayaa la sheegay in uu Magaalada Muqdisho u yimid in uu Qeemeen Ku sameeyo xaalada ka jirato dalka Soomaaliya iyo Dadka ku dhibaataysan Xerooyinka barakacayaasha Magaalada ee Muqdisho
Wasiirka Ayaa LA sheegay in uu Xarunta Madaxtooyada ee Soomaaliya kulan kula Qaato Madaxda dowladda TFG-da, iyadoo Wasiirka uu xusay in dowladda Iran ay $25-Milyan oo doolar-ka Maraykanka ugu deeqday qoysaska Barakacayaasha ah Ee dhibaatada Ku Haysato Dalka Soomaalia
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)