Dhaq Dhaqaaq Ganacsi Oo Loogu Diyaar Garoobayo Iidul Fadriga Ayaa Laga Dareemayaa Suuqyada Magaalada Iyo Duleedka Magaalada Muqdisho

0
582

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)


Suuqyada lagu iibiyo dharka iyo macmacaanka ee magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ganacsi waxaana aad soo xasuusaneysaa sidii uu mar ahaan jiray suuqa Bakaaraha oo ahaa suuqa ganacsi ee ugu weyn geeska Afrika.

Degmooyinka X/weyne iyo Madiina waxaa iyana kajira dhaq dhaqaaq ganacsi oo heer sare ah balse waxaa shacabka dhibaata ku ah amaan darada haysata ee la xiriira dhaca iyo isbaarooyinka yaalla muqdisho.

Suuqyada X/weyne,Madiina,suuq bacaad Safa,Marwa1,Marwo2 iyo Ramadaan ee magaalada muqdisho iyo duleedka magaalada muqdisho ayaa u muuqda in ay buuxiyeen ganacsiga Suuqa Bakaaraha maadaama lakeenay badeecooyin kala jaad ah sida dharka carruurta,dharka dumarka iyo dharka dadka waaweyn IWM.

Waxaa iyana mashquul saa’id ah laga dareemayaa goobaha lagu sameeyo macmacaanka sida Foornooyinka,sanad walba marka lagaaro Ciidul fidriga ayay dadka Muslimiinta caalamka damaashaad iyo mashxarad sameeyaan maadaama labada ciidood ah yihiin maalmo alle u Khasis yeelay Muslimiinta.

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)