(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Ra’iisul Wazaaraha Soomaaliya oo maanta kormeer ku tagay Isbitaalka Hooyada Iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa Deeq Dawo ah oo ay dowladda Soomaaliya ka heshay isu tagga imaaraadka carabta guddoonsiiyay Maamulka Isbitaalkaasi.
Ra’iisul Wazaaraha ayaa waxaa socodkiisa ku wehliya Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr.C/casiis Shiikh Yuusuf iyagoona kormeer guud ku sameeyay Dhamman qeyabaha uu ka kooban yahay Isbitaalkaasi Banaadir oo ay maanta booqashada ku tageen
R/wasaare Cabdi Wali ayaa u kuur galay sida ay tahay xaalada caafimaad ee bukaanada ku jira isbitaalka Banaadir iyo sida ugu haboon ee loo caawin karo bukaannada halkaasi ku jira,
R/wasaaraha ayaa warbaahinta kula hadlay guddaha isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir waxa uuna u mahad celiyay dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta oo uu ku sheegay in ay garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
agaasimaha isbitaalka Banaadir Dr.c/risaaq Xasan Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay daawooyinka ay dowladda Soomalaiya soo gaarsiiyay isbitaalka in ay wax wayn ka tari doonto howllaha ka socda isbitaalka, waxa uuna u mahad celiyay dowladda Soomalaiya sida ay u garab taagan tahay shacbkeeda dhibaateysan.
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)