xarkaada mujaahidiinta Al shabaab oo hool gal ay burcad kulaayeen kasameeyay gobolka sh/hoose

0
278

                      

                                                 warara soomaaliaya

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa howlgallo ay ka sameeyeen qeebo kamid ah wadada isku xirata magaalada marka iyo afkooye ee gobolka Sh/hoose waxaa ay kusoo qab qabteen dhalinyaro ay ku eedeeyeen inay ku kaceen waxyaabo ka baxsan Shareecada Islaamka.

 Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada marka ee Xarunta wilaayada islaamiga ah ee Shabeelaha hoose, Ciidamada Xisbada ayaa waxay howl galkaasi ay sameeyeen kadib markii dadka rakaabka ah ee wadadaasi isticmaala  ku wargeliyeen in koox burcad ah ay wadada u galeen gaarigii ay saarnaayeen.

 Hool galka ay sameeyeen xarakada mujaahidiinta al shabaa ayaa waxa ay ku diilen nin burcad ah oo dadka ku dhibaateyn jiray wadada isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Marka.

Intaas kadib ayaa Ciidamada Xisbadu  waxay dabo gal ku sameeyeen kooxdii burcadda aheyd, waxaana iska hor imaad kooban uu ku dhexmaray Ciidamada Xisbada ee kooxdkii burcadda meel udhow deegaanka Cabdow-dibille ee gobolka Shabeelaha hoose.

Iska hor imaadka waxa uu sababay  inuu dhaawac soo gaaro mid ka mid ah kooxdii burcadda aheyd gaar ahaan ninkii kooxdaasi horjoogaha u ahaa, waxaana markaas kadib Ciidamada Xisbadu ay  ninkaasi marsiiyeen waxa ay shareecada Islaamku ka qabto in lagu sameeyo qofka qaadicul dariiqa ah.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Afgooye ayaa loo soo bandhigay meydka ninkaasi burcadda ah oo qoorta laga gooyay, iyadoona dadweynuhu ay si weyn usoo dhaweeyeen xukunka ninkaasi la marsiiyay.

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com

Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111