Wararka Soomaaliyeed
Maamulka wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan ayaa shacabka u soo bandhigay3 askari oo ka tirsanaan jiray kuwa TFG-da ee ku sugan isgoyska Kalabeyr ee waqooyiaga gobolka Hiiraan.
Munaasabadan oo lagu Soo ban dhigiayay askartan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta dacwada iyo maamulka magaalada Beledweyne iyo weliba waalidiinta sadexdan askari ee soo goosatay.
Askartan ayaa tiradoodu gaaraysay sadex askari waxeyna isku soo dhiibeen maamulka Islaamiga ah ee magaalada Beledweyne
Askartan oo mudo dhowr bilood ah la shaqeynayay dowladda ayaa shegay inay ka soo towbadkeeneen islamarkaana ay diyaar u yihinn inay ka mid noqdaan shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan, islamarkaana ay Allaah iyo cid waliba oo ay dulmiyeen ay dembi dhaaf ka dalbanayaan.
Ma ahan markiii ugu horeysay oo askarta TFG-a ku sugan gobolka Hiiraan ay u soo goostaan maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Beledweyne iyadoo maalmihii aannu soo dhaafnay ay si is daba joog ah sufuufta ciidamada TFG-da uga soo baxsanayaan
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(
info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





