Wararka Soomaaliya
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa hay’adaha gargaarka ku eedeeyay in ay ka dadka Soomaaliyeed ku qasbayaan in ay ka qaxaan waddanka hooyo
Maxamuud Axmed Nuur “tarsan” oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka Soomaaliya ay dalalka dariska ah ka diyaariyeen xeryo iyo waliba kaalmo, si dadku ay isaga cararaan waddanka. Wuxuu sheegay in goobaha ammaanka ah ee dalka aysan hay’adahani gargaarkii loo baahnaa gaarsiinin.
Tarsan ayaa tusaale u soo qaatay gobollada Gedo. Jubada Hoose, Banaadir, Gobollada Dhexe, Puntland iyo Soomaaliland oo dhammaantood ammaan ah dadka ku noolna ay u baahan yihiin kaalmo bani’aadamnimo, ayadoo hay’aduhu aysan wali gargaar siinin kumannaanka dadka ah ee Muqdisho ay abaaruhu keeneen.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii ay shacab iimaan daran ay u baxsadeen dhulalka aymaamulaan karishtanka keenya iyo ethopia
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(
info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





