Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Si Xawli Ah U Wada Taakuleenta Dadka Saameynta Ay Ku Yeesheen Abaaraha Iyo Dad Ku Sugan Goobaha Dowladda Gacanta Ay Ku Heyso Oo Ay Saameyn Ku Yeelatay Abaaraha Macluulna La Liita

0
254

Wararka Soomaaliya

Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa abaabul xoogan uga jira taakuleenta dadka Saameynta ay ku yeelatay abaaraha saameeyay dalka Soomaaliya waxayna dib u dajin ay u sameeyeen dad soo barakacay kuwaasi oo dhibaatooyin farabadan waji yadooda laga dheehanayo dadkaani oo isugu jira Caruur, Haween iyo Dad Da’ ah ayaa waxay ka soo bararkaceen deegaano miy ah oo ka fog Magaalooyinka

Dadkaani ayaa waxaa xero weyn looga furay gobolka Shabeelada Hoose waxaana loo dhisay guryo ay ku hooydaan Misaajid salaada ay ku dugtaan iyo xarumo wax barasho

Dadkaani ayaa sidoo kale la siiyay waxa ay quutaan kuwaas oo ay bixiyeen gudiga taakuleynta dadka dhibaateysan ee Mujaahidiinta Al Shabaab

Xeradaan oo la yiraa Al-Yaasir ayaa saacadba saacada ka dambeysa waxaa soo gaaraya dad ay saameyn ku yeesheen abaaraha kuwaasoo loo fidinayo gurmad deg deg ah

Dhanka kale goobaha yar ay TFG-da gacanta ay ku heyso ayaa waxaa ku soo barakacay dad ay saameyn ku yeesheen abaaraha kuwaas oo soo Maciin biday TFG-da ayaa waxaa ay kala kulmeen mid ka daran dhibaatada ay ku jireen mana heystaan meel ay ku hooydaan iyo waxa ay quutaan waxaana lagu arkayaa wadooyinka yar ay TFG-da Maamusha iyagoo dawarsanaya wajiyadoodana aad ka dheehanesyo maxaa kaa soo waday meeshaad joogtay

Dadkaani qaarkiis ayaa waxaa la dajiyay Furumaha dagaalka ee Degmada Hodan waxayna qaarkood ay u sheegeen wakaalada wararka ee Warsom in ay ka soo barakaceen abaaro hasa yeeshee la dajiyay meel ay ka socoto rasaas in aan helno quut iskaba dhaafee waxaana dadkaan la dajiyay Aagaga Hodon iyo Boondheere

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)