Wararka Soomaaliya
Askirigaan oo ka tirsan ciidamada TFG-da ayaa la sheegay in si bareer ah rasaas uu ugu furay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsanin
Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom in ninkaasi oo ka tirsan Maleeshiyada TFG-da oo si cad u dilay qof rayid ah halka labo kalana uu dhaawacay ka dib markii rasaas uu u meel dayin ku furay dadkaasi rayidka ah
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in calaq uu cabsanaa askariga ka tirsan TFG-da ee rasaasta ku hubiyay dadka rayidka ah
Dhacdadaan ayaa waxay imaaneysaa xilli maalmihii ugu dambeeyay qeylo dhaan ku aadan in faraha Dowladda ay ka baxday Degmada X/weyne Muujinayay Taliyaha Qeybta bartamaah Cali Gaab oo sheegayay in ciidamo ka tirsan TFG-da falal amni daro ay ka wadaan gudaha Degmada wuxuuna mudooyinka ugu dambeeyay uu ku baaqay in xaalada amaan degmada X/weyne dowladda dhexe ay soo fara galisay
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





