Waxgaradka Soomaaliyeed Oo Ku Baaqay In Laga Feejignaado Shirka Ay Qaban Qaabineyso Q.M Ee Lafilayo Inuu Kadhaco Muqdisho

0
204

Wararka Soomaaliya

Wixii ka dambeeyay markii Q,M ay sheegtay in shir looga hadlaayo arimaha Somaalia ay ku qaban doonto qeybo kamida dalka ayaa waxaa isa soo tarayay can baareynta loo jeedinayo shirkaasi.

Ugaas max’ed wali oo kamida wax garadka Somaaliyeed isla markaana u waramaya warbaahinta ayaa sheegay in shirka Q,M ay soo qaba qaabisay ee lagu wado in uu dhawaan ka dhaco magaalada Karoowe ee maamulka isku magacaabay Puntland uu yahay mid loogu adeegayo danaha dowlada faragalinta ku haaya dalka Somaalia.
Waxa uu carabka ku dhuftay in shirkaasi uu yahay mid lagu shirqoolayo umada Somaaliyeed waxana uu shacbka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan shir qoolkaasi.
Ugaaska oo hadalkiisa siiwata ayaa intaasi ku daray in dadka Somaaliyeed marnaba aynan ogolaan in aayaha wadan kooda ay maamulaan Ogostiina Mahiiga iyo Yuweeri musefeni.
Hadalkaan kasoo baxay ugaaska ayaa kusoo aadaya xili Q,M ay qaban qaabineyso shir ay sheegtay in looga hadlaay arimaha Somaaliya islamarkaana ay kasoo qeyb galayaan maamulka goboleedyada u adeega danaha itoopia iyo yugaandha iyo DKMG.

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com

Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111

(

 

info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com