Meydka Gabar Sixun Loo Dilay Islamarkaana Lafaraxumeeyay Lagu Arkay Gaalkacyo

0
414

 

Wararka Soomaaliya

 

Meydka gabar yar oo 12 sano jir ah

oo la faraxumeeyay ayaa lagu arkay Xaafadda ku taalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.Dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka mudug ayaa usheegay wakaalada warsom iney saakay kusoo toosay Meydka gabar yar oo surka laga jaray islamarkaana kufsi arxan darro ah lagula kacay.

Gabadha oo magaceeda lagu soo koobiyay Idman ayaa da’deedu lagu sheegay 12-jir, waxaana laga helay Meydkeeda sar qabyo ah oo ku taala Koofurta Gaalkacyo, waxaana la tilmaamay in gabadhaasi markii la faraxumeeyay kadib lagu dilay.

Gabadhaani oo la sheegay in shalay ay afduubteen kooxo hubaysan ayaa ilaa iyo iminka la’ogayn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loogaystay mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug oo ku aadan dilka loo gaystay gabadhaasi aadka u da’yar.

Magaalada Gaalkacyo waxaa si joogto ah ugu dhaca falalka noocaan oo kale ah ee dhibaatada loogu geysanayo dadka rayidka ah.

 

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com

Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111

(

 

info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com