Wararka Soomaaliya
Shabelle ayaa dhawaan bilowday barnaamij u gaar ah oo ay ku sheegeen in ay wax ugu qabanayaan dadka dhibaateysan ay abaaraha saameeyeen waxaana barnaamijkaasi wada Wariyeyaal u shaqeeya C/maalik
Wax garadka Muqdisho ayaa waxaa shaki giliyay Akoono uu ku qoran yahay Maamulaha Shabelle C/Maalik isla markaana dadka la farayo in ay lacagaha ku soo ridaan Akoonada uu leeyahay Maamulahaasi
Mana jirto cid la yaqaan oo ka tirsan dadka Magaca leh ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo ka qeyb qaadanaya barnaamijkaasi lacaga loogu aruurinayo dadka Saameynta ay ku yeesheen Abaaraha
Wax garadka Muqdisho qaarkood oo la soo xiriiray wakaalada wararka Soomaaliyeed ee warsom ayaa waxay shaki giliyeen in dhaqaalahaasi la uruurinayo la siiyo dadka loogu talagalay hasa yeeshee waxaa laga baqdin qabaa in dhaqaalahaasi uu qaato C/maalik oo ah Maamulaha Shabelle oo ku sugan dalka England
C/Maalik ayaa horay waxa uu dhaqaalo ka dhunsaday qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha oo uu sheegay in uu u sameynayo barnaamijyo liddi ku ah qaar ka mid shirkada calooshood u shaqeystayaasha ah oo garoonka la wareegay balantii ay isku ogaayeen shirkadaha uu ka baxay meel ay shirkadahaasi ku sheegaan dhaqaalohooda iminka ma yaqaaniin waxaana dad fara badan ay ka cabsi qabaan in dhaqaalahooda ay ku bixiyaan meel cidla ah iyagoona jecel inay wax u qabtaan dadka Saameynta ay ku yeesheen Abaaraha
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





