Wararka Soomaaliya
Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegayay in saacadihii la soo dhaafay halkaasi ay ka dhaceen dilal ku saleysan Aanooyin qabiil oo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo dega gobolka Bari
Goob joogayaal ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa u sheegay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Warsom in halkaasi ay ka dhaceen saacadihii ugu dambeeyay dilalkaan Aanada qabiil ku saleysan
Waxana gudaha Magaalada Boosaaso laug dilay in ka badan 3 qofood kuwaasi oo loo ugaarsaday qaab beeleed
Ilaa iyo iminkana ma jirto wax ay ka qabteen dilalka ka dhacayo Magaalada Boosaaso Maamulka uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole
Waxaana Maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa Gobolka Bari dilalka ku saleysan Aanooyinka Qabiil iyadoona mararka qaar halkaasi ay ka dhacayeen iska hor imaadyo toos ah oo u dhaxeeya beelaha is ugaarsanaya
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(
info@warsom.com & webmaster@warsom.com mcaraab@hotmail.com





