Wararka Soomaaliya
Maleehsiyaadkaan ayaa la sheegay in halkaasi gawaarida Rakaabka ah ay kaga qaadaan lacago baad ah ayaaa maanta waxay rasaas ku fureen mid ka mid ah gawaarida dadweynaha ay raacaan oo marayay agagaarka Bacaadlihii hore
Goobo joogayaal ayaa u sheegay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom in maleeshiyaadkaasi ay ka doonayeen gaariga lacago baad ah darawalkana uu ka dhaga adeegay arintaasi taas oo keentay in Maleeshiyaadka ay rasaaseeyaan gaariga BL-ka ee halkaasi mareyay
Rasasta ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyootay 2 qof oo ka mid ah dadkii saarnaa gaariga halka mid kale marayay goobta rasaasta ay ku fureen Maleeshiyaadka oo ku dhaawacmay
Wararka aynu heleyno ayaa waxay sheegayaan in Maleeshiyaadkii rasaaseeyay gaariga Rakaab ah ay ka baxsadeen goobta mana jirto cid sii daba gashay Maleeshiyaadkaasi
Goobaha gacanta ay ku heyso TFG-da ayaa had jeerba waxaa lagu dhibaateeyaa dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada TFG-da ay maamusho
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





