Wararka Soomaaliya
Ka dib mudooyinkii u dambeeyay ee wilaayaatka shabeelada hoose ayaa ka jireen abaaro baahsan waxaa saacadihii la soo dhaafay dagmooyin kamid ah gobolkaas ka da`ay roobab lixaad leh oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan.Roobkan oo ahaa mid xoogan ayaa mudo badan waxa uu si xiriir ah ka da`ayay gudaha magaalada Marka iyo dagmooyika u dhawdhaw iyadoona ay gebi ahaanba ahaayeen dadku kuwo ku yaacaya qaybaha kala duwan ee magaalada, iyagoona sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin roobkan oo ay ku tilmaameen “Naxariista Allaah” oo soo degtay.Isku soo wada duube roobabkan ayaa la filayaa inay wax weyn ka bedelaan hanaankii nololeed ee dadka ku dhaqan wilaayada sh/hoose iyadoona beeraleyda iyo xoola dhaqatadu yihiin kuwo si gaar ah u dareemaya Raxmadda Roobka ee uu eebe u soo diray
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(
info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





