Sh.Cali Dheere oo sheegay in Warbixintii ay Qaramada Midoobay kasoo saartay abaaraha aysan Xaqiiqda ku dhisnayn balse laga leeyahay dano siyaasadeed oo guracan.

0
589

 

wararka somaaliya

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hadalkii shalay kasoo yeeray Qaramada Midoobay ee ahaa in Macaluul ay ka jirto gobollada Bakool iyo Shabeellaha Hoose ku tilmaamtay mid aan Xaqiiqda ku dhisnayn isla markaana laga leeyahay arimo siyaasadeed oo guracan.

Sh.Cali Maxamuud Raage “Afhayeenka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab” oo shalay gelinkii dambe Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay Abaar ka jirto balse aan lagu tilmaami Karin inay heer macaluul ah gaartay, isagoo hadalka Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid kabad-badis ah.

“ Waxa loogu yeero Qaramada Midoobay war uma hayaan xaalada dhulka aan ka talino, mana aysan helin dad xog uga keena dhulkaas sidaas daraadeed warbixinta ay kasoo saareen halkaas waa waxba kama jiraan waana mid siyaasad gaar ah laga leeyahay “ ayuu yiri Sh.Cali Dheere

Sh.Cali Dheere ayaa sheegay in Gurmadka ilaa hada loo fidiyay dadka ay abaaruhu saameeyeen ay bixiyeen dadka Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka iyo Dibadiisaba, kuwaas oo aan u kala harin sidii loo gargaari lahaa walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale Sh.Cali Dheere ayaa mar uu ka jawaabayay Su’aal ku aadanayd in Hay’adihii ay hore u mamnuuceen ay ka hawl geli karaan Wilaayaatka ay Xarakadu ka taliso ayuu sheegay in arintaasi aysan suurtagal ahayn maadaama Hay’adahaasi markoodii horeba ay ahaayeen kuwo dabindaabyo iyo hagardaamo ku hayay dadka Soomaaliyeed, Balse wuxuu sheegay in Hay’adaha kale ay u fasaxanyihiin inay ka hawlgalaan meeshii ay doonaan hadii aysan dano kale oo u qarsoon aysan wadanin.

Qaramada Midoobay ayuu ku eedeeyay inay buun-buunin ku hayaan abaaraha ka jira Soomaaliya iyaga oo iska indhatiraya abaaraha ka jira wadamada kale ee Soomaaliya la dariska ah sida Kenya, Ithiopia, Jabuuti iyo Yugaandha.

“Waxay sheegeen in 12 Milyan oo qof ay abaar ku hayso wadamada bariga afrika, 3.7 Milyan oo ka mid ahna ay ku nooshahay Soomaaliya, Hadaba aaway 8 Milyan ee kale ee wadamada kale ku noolaa maxaa loo buun-buunin weysanyahay oo Soomaaliya kaligeed diirada loo saarayaa, waa arin Siyaasadaysan oo la doonayo in Ummada Soomaaliyeed lagu barakiciyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalka Sh.Cali Dheere ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Qaramada Midoobay aad uga hadlaysay Xaalada Abaaraha Soomaaliya iyadoo aysan jirin wax Gargaar ah oo ay haba yaraatee u fidiyeen dadka Barakacayaasha ah marka laga reebo booqashooyin u muuqday kuwo dalxiis ah.

Dhanka kale dadka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad jooga ayaa dadaal xoog leh ku bixinayay sidii ay dadkooda u badbaadin lahaayeen iyagoo  la arkayay Soomaali fara badan oo dhexda u xiratay sidii ay u gargaari lahaayeen walaalahooda abaaraysan