Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Cambeereeyay Xariga Wariye Carab

0
571

Wararka Soomaaliya

 

Iyadoo caawa habeenkii saddexaad xabsi ay gacanta ku
hayaan ciidamada PS-ta dowlada TFG-da u ku hoyana web masterka
wakaalada wararka soomaaliyeed ee ‘WARSOM’ wariye max’ud max’ed daahir
carab ka dib markii shirqool cad ay gacanta ugu geliyeen ciidankaasi
cismaan c/llaahi guure oo ah horjogaha idaacada kulmiye iyo wariye
c/casiis max’ed guuleed afrika oo isna ah barnamij soo saare ka
howlgala idaacada ku hadasha codka dowlada TFG-da ee radio muqdisho
ayaa waxaa isa soo taraya cambareyn isdaba joog ah oo looga soo
horjeeda xariga wariye carab. Wakiilka xariirka gobolada ee Xisbiga
Midnimada Jamuuriga Soomaaliyeed Bashiir Axmed Sheekh oo la soo
xiriiray xafiiska warqabadka wakaalada wararka soomaaliyeed ayaa waxaa
u ka hadlay shirqolka cad ee lagu xiray wariye max’ud carab isagona u
horeyn shegay iney si weyn uga xunyihiin dhamaan masuuliyinta xisbiga
xariga wariyaha wuxuna shegay in arinkani ay uga tacsiyey nayaan
dhamaan bahda saxaafada qeybaheda kala duwan isagona dhanka kala
cambareyay raga ka dambeyay xiriga wariye max’ud carab TFG-dana ugu
baqay in ay si shuruud la’aan ay ku si deyaan wariyaha. “Ashtako ku
adan xadgudubyada ay ku hayso bulshada somaliyed dowlada TFG-da ayan u
gudbinay qeybaha bulshada odayaasha dhaqanka beelaha soomaaliyeed mana
muqato wado cad oo xadgudubyadaasi wax looga qabtay intasi ka dib
xisbiga midnimad jamhuriga soomaaliyed wuxu ballan qadaayaa inusan
indhaha ka laaban doonin xadgudubyada jogtada noqday ee loo geysanayo
shacabka soomaliyeed” ayuu yiri isaga oo si wata hadalkisa lana
hadlayey warsom wakilka xiriirka gobolada xisbiga Bashiir Axmed
Sheekh. Si kastaba ha ahatee waxaa cawa xabsiga habeenki saddexad ku
hoyana wariye max’ud carab iyadona wali wax maxkamad ah la so tagin
balse cambareyntani ay dirayaan xubnaha xisbiga jamhuriga ayaa waxa ay
qeyb ka tahay cambareymaha isdaba jooga ah ee so garaya warqabadka
warsom kuwasi dhamantod ka turjumaya sida looga xunyahay xariga wab
master wariye max’ud max’ed daahir carab lamana oga sida ay u wajihi
doonan cambareymaha loo soo jediyay TFG-da.

 

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com

Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111

(

 

info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com