wararka soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ameyrikanka. C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa dhameystiray Golihiisa Wasiirada, isagoo soo magacaabay Wasiiru Dowlayaal iyo Wasiir Kuxigeeno ka mid noqon doona Golihiisa Wasiirada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay soo saaray Liiska Wasiiru Dowlayaasha iyo wasiiro Kuxigeenada uu magacaabay, iyadoo ay ku cusub yihiin min Labo Wasiir Kuxigeeno oo hal Wasaarad xil ka wada haya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegtada magacaabista Golaha Wasiirada aqbalay, waxaana ay isugu jiraan xubnaha ka dhex muuqda kuwo cusub iyo kuwo horay u soo maray Xukuumadihii dalka, waxaana gebi ahaan meesha ka baxay xubnihii Kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha horay uga ahaa Xukuumadii Farmaajo.
Wasiiru Dowlayaasha ayaa gaaraya ilaa 9-wasiiro Dowle, halka Kuxigeenada ay gaarayaan 18-wasiir kuxigeeno oo qaarkood min Labo Kuxigeeno ay ku jiraan.
Hadaba aqriso Liiska Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiir Kuxigeenada:-
Liiska Wasiiru Dowlayaasha:
1- C/casiis Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Xafiiska Madaxweynaha.
2- Xaamid Sheekh Cali Maasheeye Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
3-Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
4- Maxamed Maxamuud Aadan Indha geelle Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
5-Aadan Maxamed Deer Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta .
6-Maxamed Axmed Kaamil Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.
7- Maxamed Axmed Kaynaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshedaha.
8-Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka,Dhulka,Badda iyo Dekedaha
.
9- C/kaafi Macalin Xasan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska.
Wasiir Kuxigeenada
1- Axmed C/laahi Xuseen Fanax iyo Mudane Xasan Maxamed Ibraahim Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Garsoorka arimaha Diinta iyo Awqaafta.
2- C/raxiin Cabdi Abiikar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
3-Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.
4- Khaliif C/kariin Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
5- C/xakiin Cige Guuleed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
6- Cali Dirir Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta.
7-Luul Cabdi Aadan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska.
8-C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Mudane Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.
9-Macalin Cali Aadan iyo Mudane Faysal Xuseen Daahir Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Caafimaadka.
10- C/laahi Bille Nuur Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.
11-Daahir Xaaji Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada,Dhalinyarada iyo Isboortiga.
12- Axmed Xasan Aadan iyo Mudane Ibraahim Shukri Sheekh Aadan Wasiir ku-xigeenada Kalluumeysiga,kheyraadka Badda iyo Bay,ada.
13- C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka,dhulka iyo Dekedaha.
14-Xasan Maxamed Jimcaale iyo Mudane Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta.
15-Xareed Xasan Cali Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud,guryeynta iyo Dib u dhiska.
16-C/laahi Dool Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Batroolka.
17-C/qaadir Maxamed Barre iyo Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare.
18-Cali Nuur Ducaalle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.
warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com
Soomaaliyeed ee Warsom
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111





