qarax qasaaro geystay oo lal eegtay gudoomiye ku xigeenka dagmada dhargenley

0
562

                                                        

                                                            wararka somaaliaya

Qarax gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gudoomiye ku xigeenka degmada Dharkeenlay waxaa lagula eegtay Saldhiga Galbeed ee degmadaasi, iyadoo warar kala duwan ay kaoo baxayaan qaraxaasi.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa mar qura la maqlay Qarax xooggan oo gil gilay Degmada Dharkeenleey iyo degaanada ku xeeran.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa ahaa sida la sheegey mid la sii dhigay afaafka hore ee Saldhigga

galbeed ee degmada Dharkeenleey kaasoo si toos ah loola beegsaday Gaariga Guddoomiye ku xigeenka Degmada Yuusuf Kabaalo oo xiligaas halkaa marayay.

dad goob jookayaal ah wakaalada warsom u xaqiijiyay iney arkeen miidka askari katirsan dawlada TFG iyo dhaawaca afar qofood oo iskugu jira ciidamda dawlada iyo dad rayid ah.

 

Degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayaa waxaa kusoo badanaya qaraxyo lala beegsado Mas’uuliyiinta dowladda ee degmadaasi.

manahan markii ugu horeysay oo qarax lala eegto ciidamada dawlada TFG