wararka somaaliaya
Qaar ka tirsan Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo si iskood ah isku xilqaamay ayaa maanta gurmad dhanka Caafimaadka ah u fidiyay qoysas barakacaayaal ah oo ku dhaqan Xerada Aala-Yaasir, duleedka Airporka Numbar 50 ee Wilaayada Shabeellada Hoose.
Dhakhaatiirta Gurmadka Caafimaad u fidinaysay Barakacayaasha ku nool Xerada Aala-Yaasir oo ka kala socday Isbitaallada kala ah ” Atlantic Hospital” iyo “Somali Medical Association” ayaa waxaa hormuud u ahaa dhakhaatiirta kala ah Dr. Cubayd Daahir Aways iyo Dr. Cabdi Ibraahim Jiya, kuwaas oo ka mid ah dhakhaatiirta ugu wanaagsan ee xilligan ka howl gala gudaha Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Dr. Cabdi Ibraahim Jiya oo saxaafada kula hadlay goobtii dadka daawada lagu siinayay ayaa Sheegay in tirada dadka ay maanta Gurmadka Caafimaad u fidiyeen ay ka badanyihiin 900 oo qofood isla markaana ay rajaynayaan inay maalmo kale dib ugu soo laabtaan xerada si ay gacan uga geystaan daryeelka Caafimaad ee ay Barakacayaasha halkaas ku dhaqan u baahanyihiin.
Dr. Jiya ayaa sheegay in Cudurada ugu badan ee Barakacayaasha laga daweynayo ay ka mid yihiin Nafaqo-darro, Cudurada Caloosha ku dhaca ee laga qaado Gooryaanada, Cudurada Maqaarka, isagoo intaas ku daray in hadii dadkan dhanka Nafaqada si wanaagsan looga taageero uu jirkoodu awoodi doono inuu cudurada badankooda iska difaaci karo.
Dhakhaatiirta ayaa Barakacayaasha ku samaynayay Baaritaano lacag la’aan ah kadibna siinayay daawooyinka ay u baahanyihiin sida Sharoobooyinka,Faleebooyinka, Kaniiniyada, Boomaatooyinka iyo intii ay awoodaan oo Daawo ah, waxayna sheegeen inay Daryeelka Caafimaad gaarsiin doonaan goobaha kale ee ay Barakacayaashu ku suganyihiin.
Sh.Suldaan Maxammed Aala-Maxammed oo ka mid ah Madaxda Gudiga Gurmadka Abaaraha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo isaguna goobta Saxaafada kula hadlay ayaa u mahad celiyay Dhakhaatiirta sida degdega ah uga soo jawaabtay Baaqii ay Bulshada u jeediyeen ee ahaa in la gargaaro dadka Barakacayaasha ah, wuxuuna ugu baaqay dhamaan Dhakhaatiirta kale inay sidan oo kale kaalintooda uga qaataan Samata-bixinta dadka ay Abaaruhu saameeyeen.
Xerada Barakacayaasha Aala-Yaasir oo ay gacanta ku hayso Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada Hoose ayaa waxaa ku nool Qoysas gaaraya ilaa 6,000 oo qoys oo ay Abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ay Wilaayadu halkaas ku caawiso, waxaana Xerada gudaheeda ku yaalla Xarun Caafimaad oo u gaar ah taas oo ay maalin walba ka hawl galaan 4 Dhakhtar laga bilaabo 7:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo.
warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com
Soomaaliyeed ee Warsom
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111





