Milkiilayaasha wakaalada warsom oo ka warbixiyay wabmastarka warsom maxmuud carab oo todobo maalin u xiran dawlada KMG

0
235

               wararka somaliya             
Iyadoo uu wali gacanta ugu jiro wariye maxamud maxamed daahir
ciidamada psta DKMG si sharci daro ah kadib markii ay shirqooleen koox
wariyeyaal sheegta oo ay kamid ahaayeen cimaan c/laahi guure iyo
c/casiis max’ud guuled afrika oo labaduba isku jufo ah ayaa maanta
waxaa qoraal soo saarey milkiilayaasha wepsiteka warsom oo kala jooga
gudaha dalka iyo debedda wuxuuna u qornaa sidan:-
waxaan cadeyneynaa anagoo ah milkiilayaasha wakaalada wararka warsom
in uusan wepmaster maxamud carab shaqo ku laheyn danbiyada been
abuurka ah ee ay ku andacoonayaan kuwa lunsan ee dhahaya waxaa wax
naga qorey wariye maxamud carab ama waxa uu la shaqeeyaa kooxo aan
aqoonsaneyn DKMG soomaaliya.
Waxaan cadeyneynaa in wararka wepka la geliyo aysan aheyn kuwo cid
gaara wax loogu dhimayo ee uu abaaro xaqiiqda dhabta ah ee markaas
jirta
waxaan kaloo cadeyneynaa in wepsiteka ay leeyihiin koox wariyeyaal isu
tagey oo leh aqoon saxaafadeed ayna gaariwaayeen halka uu gaarey
wepsiteku wariyeyaasha maalin walba warqadaha la taagan xereda psta
dkmg somalia.
Waa nasiib darro wariye maalin kasta wax sheega in uu xamiliwaayo in
isaga wax laga sheego,sidaas darteed waxaan dawlada iyo hugaanka psta
u sheegeynaa in maxamud carab laga dacweyn karo maxkamad uusana aheyn
nin cararaya balse uusan xaq u laheyn in dad ka xun shaqadiisa oo uu
diidey in uu u shaqeeyo ay saaraan danbiyo uusan shaqo ku laheyn isla
markaana loo xiro.
Ugu danbeyntii waxaan cadeyneynaa in aysan waxba u dhimeyn shaqada
wepsitka xariga wepmasterka warsom dawladuna aysan ukala eexan
saxaafada is heysata oo ay isku si ugu garsoorto aysana dhicin in qaar
la caburiyo qaarna la fasaxo oo ay waxey doonaan sheegaan.

Wabilaahi tawfiiq

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com
Soomaaliyeed ee Warsom
Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111