xarakada mujaahidiinta Al shabaab oo shaaca kaqaaday iney goor dhaw muqdisho kasaarayaan dawlada iyo ciidamada shisheeye

0
303

 

 

                wararka somaaliya

Sheekh Cabdi Raxiin Cali Muudey oo ka hadlay fagaare ay ku soo bandhigeen boqolaal ciidamo ah oo xarakad mujaahidiinta al Shabaab taabacsan ayaa wuxuu sheegay in dagaalo xoog leh ay ku qaadi doonaan Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed iyo Ciidamadda shisheye ee Amisom.

Sheekh Cabdi Raxiin ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya ay jooggaan Gaallo iyo Gaallo raacyo, isla-markaana wuxuu ku goodiyay inay si qasab leh ay uga saari doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sheekha ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay qorsheyneyso dagaalo qaraar oo ay ku qaado Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom, isagoo rajo balaaran ka muujiyay in dalka Soomaaliya oo dhan ay ka saari doonaan

Sidoo kale waxaa ka hadlay fagaarahaan saraakiil ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo tibaaxay inay diyaar u yihiin la-dagaalanka Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta ay magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay ku soo bandhigtay boqolaal dagaal-yahano ah, kuwaa oo ay dhawaan u soo afjartay tababaro kala duwan

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com

Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111