Wararka Soomaaliya
Dacwadaha la xiriira dhulalka lakala haysto ayaa saddexdii bilood ee lasoo dhaafay si xowli ah ugu soo qulqulayay Maxkamada waxaana sida ay Maxkamadu sheegtay soo gaaray 360 Gal-dacwo oo la xiriira Beero, Guryo iyo boosas banaan oo siyaabo kala duwan loo kala haystay.
Munaasabad shalay gelinkii dambe ka dhacday Xarunta Maxkamada Islaamiga Shabeellada Hoose ee Degmada Marko ayaa waxay maxkamadu ku dhawaaqday Xukunada 15 Gal-dacwadeed oo ahaa dhulal la isku haystay kuwaas oo qaarkood si xoog ah loo haystay halka qaar kale ahaayeen kuwo si xeeladaysan loo haystay.
Garsoorayaasha Maxkamada Islaamiga ah ayaa goobta ka aqriyay kiisaska Dacwada iyo cadaymihii ay dadka dhulalka kala sheeganayay u haysteen lahaanshaha dhulalka ay sheeganayeen iyadoo ugu dambeyntiina si rasmi ah loogu dhawaaqay Xukunadii kama dambeysta ahaa ee Maxkamadu soo saartay.
Dadka Dacwadooda la qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa kuwo in ka badan 20 sano si xoog ah looga haystay Aseendooyin beero ah oo ay lahaayeen, iyadoo dadkii Xooga ku haystay Beerahaas lagu xukumay inay dib usoo celiyaan sidoo kalena lagu xukumay xukun Tacsiir ah taasoo ah in dadka hortooda lagula dhufto 20 Karbaash.
Dacwooyinka qaarkood ayaa ahaa kuwo ay isku haysteen dad Qaraabo ah oo iyagu si xeeladaysan dhulal u kala haystay sida Dhaxal lakala boobay iyo kala gadashada guryo ama boosas banaan oo si khiyaano ku jirto dadka qaar looga qaatay.
Maxkamada ayaa sidoo kale Xukuntay dad iyagu doonayay in loo xukmiyo Dhulal ay dad kale leeyihiin iyagoo usoo samaystay Dukumintiyo been-abuur ah oo ay ku sheeganayaan inay dhulka leeyihiin balse baaritaano iyo dabagal dheer oo lagu sameeyay lagu ogaaday in Dukumintigoodu yahay mid Been-abuur ah.
Gabagabadii Maxkamada ayaa dadkii dhulalkooda sida xaq-darrada ah lagu haystay oo Saxaafada la hadlay waxay sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin inay muddo sanado ah kadib dib u helaan hantidoodii laga haystay iyagoo u mahad celiyay Maamulka Islaamiga ah ee arintaas u suurta geliyay.
Waa markii ugu horeysey ee gobolka Shabeellada Hoose laga hirgeliyo Maxkamad kala xukunta dhulalka lakala haysto, iyadoo Gobolkaas oo ay inta badan ku noolyihiin dadka lagu tilmaamo in laga awood badanyahay uu ka mid ahaa gobolladii ugu darnaa ee uu ka dhacay boobka hantida sida Beeraha oo gobolkaas caanka ku yahay.
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com












