Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Somaaliyed oo ku baaqay joojinta colaadaha Ka Jira Qeybo Ka Mid Ah Gobolka Mudug iyo in gargaar loo fidiyo dadka tabaaleysan

0
256

Wararka Soomaaliya

Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Timajilic) ahna ku simaha xisbigaas oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamay deegaanka Dhegtuur ee gobolka Mudug iney colaada joojiyaan kuna bedelaan nabad iyo wadahadal.

Timajilic ayaa intaa ku daray dagaalka ka dhacay Dhegtuur ay ka dambeyso siyaasad isagoo beelaha ku dagaalamay Dhegtuur ugu caqli celiyey in haddii dagaal natiijo laga gaarayo ay shacabka Soomaaliyeed ku soo jireen muddo 20 sano ka badan lagana dhaxlay dhimasho dhaawac burbur, dowlad la’aan iyo dhibaatooyin kale oo badan.

“Maamulada Ximan iyo xeeb iyo Galmudug waa iney u joogsadaan joojinta colaada dhexmartay beelaha walaalaha ah ee ay kala metelaan, mana ah wax loo dulqaadan karo in dad awalba abaar ay daciifay ay is laayaan halkii ay iska gargaari lahaaayeen” ayuu intaa yiri Timajilic.

Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga Midnimada Jamhuuriga Somaliyeed Cali Maxamed Nuux (Timajilic) ayaa dhinaca kale waxaa uu ku baaqay in loo gurmado dadka ka soo barakacay abaaraha ee soo gaaray magaalada Muqdisho iyo kuwa soo bixi waayey ee jira gobolada dalka.

“Waxaan ku baaqeynaa in dadkaas macluulaya loo gurmado oo meelo wanaagsan la dejiyo heyadaha samafalka iyo inta ILAAHAY wax siiyey ee shacabka ka tirsan waxaan ugu baaqeyna iney gargaar la gaaraan dadkaas tabaaleysan” ayuu yiri Cali Maxamed Nuux (Timajilic) oo intaa ku daray in xubnaha XMJS ay qorsheynayaan iney deeqo iska ururiyaan si ay qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo dadkaas baahan.

Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Timajilic) ayaa dhinaca kale uu warixin kooban ka bixiyey safar ay magaalada Muqdisho uga ambabaxeen gudoomiyaha XMJS C/nuur Axmed Darmaan iyo wafdi uu hogaaminayo, wuxuuna xusay iney ku sii jeedaan magaalada Minesota ee dalka Maraykanka si ay uga qeyb galaan shir looga hadlayo mashaakilka Soomaaliya iy sidii loo xalin lahaa oo halkaas ay ku yeelan doonaan Aqoonyahano iyo waxgarad Soomaliyeed.

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com mcaraab@hotmail.com