Wararka Soomaaliya
Warar ay ka heshay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee warsom garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in xalay saqdi dhexe oo halkaasi ka soo degtay Madaxweyne Shariikfka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo
Ka dib markii ay ka soo duuleen Magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Eithopia halkaas oo ay kaga qeyb galeen shirka hogaamiyayayaasha Soomaaliya gumeysta ee Igaad loogu yeero
Waxaana Madaxweyne Shariif uu Horgeeyay Malazanawi xukuumada uu ku dhawaaqi doono C/Wali Maxamed Cali Gaas si uu u ansixiyo Malazanawi Xukuumadaasi
Wararka ka soo baxaya shir ay wada yeesheen Zanawi iyo Shariif ayaa waxay Sheegayan in Shariif laga diiday Dhowr Wasiir oo ka mid noqon leheyd xukuumada gaas uu dhawaan ku dhawaaqi doono
Waxaana Malazanawi uu soo jeediyay in xukuumadaani lagu daro rag ay ka mid yihiin
Axmed C/salaan Xaaji Aadanka u adeega Eithopia
Saciid Qorsheel iyo Rag kale oo muhiim ah uu ka mid yahay C/kariin Xasan Jaamac iyo C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Maxamed C/laahi Oomaar oo dhamaantooda ka mid ah xukuumadii Farmaajo wuxuuna Zanaawi xooga uu saaray labada qofood oo aan kor ku soo sheegnay kana midka aheyn xukuumadii Farmaajo inay ka mid noqdaan xukuumadaan cusub ee C/wali Maxamaed Cali Gaas si ay fuliyaan danaha Eithopia ay ka leedahay Soomaaliya
Xilli waliba oo laga dhawaaqo xukuumada cusub ayaa waxaa laga soo ansixiyaa Dalka Eithopia waxaana Dad Fara badan oo Soomaaliyeed ay og yihiin in Soomaaliya qeybta ay heysato TFG-da laga Maamula Magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Eithopia
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





