Wararka Soomaaliya
Bayaan ka soo baxey hugaanka mujaahidiinta alshabaab oo uu aqriyey af
hayeenka xarakada mujaahidiinta alshabaab sh cali maxamud raage sh
cali dheere isagoo sheegey in gudoomiya gudiga gurmadka abaaraha laga
dhigey sh/xuseen cali fiidaw oo ah madaxa siyaasada iyo xiriirka
gobolada ee xarakada mujaahidiinta alshabaab sh/cali dheere ayaa sidoo
kale sheegey in ay u mahadcelinayaan gudigii hore ee uu madaxda u ahaa
sh/suldaan maxamed ahlu maxamed, sh/cali dheere ayaa intaa ku darey in
wixii hada ka danbeeya lala soo xiriiri doono gudigan lana soo
dhaweynayo cid kasta oo gacan ka geysaneysa taakuleynta dadka
dhibaateysan. Madaxii hore ee gudigan sh/suldaan ahlu
maxamed oo isaguna goobta ka hadley ayaa ka warbixiyey wax qabadkii
gudiga intii uu madaxa ka ahaa isagoo sheegey in ay waxbadan u
qabsoomeen gudiga ayna dad badan gaarsiiyeen taakuleyn wuxuuna u
mahadceliyey intii gacanta ka geysatey hawshii adkeyd ee uu gudigiisu
soo qabteen hawshuna ay wali sidii u socoto oo lala shaqeeyo gudigan
hada hawshaas loo xilsaarey.
Tan iyo intii xarakada mujaahidiinta alshabaab ay magacaabeen gudigan
ayaa la arkayey taakuleyn wax ku ool ah oo looga faaiideynayo dadka
soomaaliyed ee tabaaleysan kuna sugan gobolo badan oo ay maamulaan
xarakada mujaahidiinta alshabaab.
(Wakaalada wararka somaaliyed ee warsom).
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





